Xisbiga kulmiye oo burbur kudhow iyo wasiiro iscasiley oo ku wajahan muqdisho.

Xisbigii kulmiye oo burbur qarka u saaran. Khilaafkii xisbiga kulmiye oo maanta halkii ugu saraysay gaadhay , markii ay labadii kooxood ee isku haystay meesha ay is-qabsadeen oo kooxdii ay hogaaminaysay Amina Weris iyo Muuse Biixi ay ka adkaadeen kooxdii kale ee ka koobnayd Maxamed Biixi Yoonis iyo Xirsi . waxayna ku keliftay kooxdii laga adskaaday in ay tidhaahdo waanu is-casilaynaa iyaga iyo wasiiradii guul-wadayaashooda ahaaba .

 Waxa ay sheegayaan wararka ka soo baxaaya xarunta madaxtooyada Axmed Siilaanyo in uu khilaaf weyni dhex maray labada kooxood oo uu madaxweyne Axmed Siilaanyo taageeray kooxdii ay wadatay Amina Weris .

Kooxdii kalena tidhi waa in uu madaxweyne Axmed Siilaanyo is-casilo , si dalka iyo xisbiga kulmiyeba loo badbaadiyo , waxaanay kale oo ku hanjabeen in ay Muqdisho tegi doonaan haddii uu madaxweynuhu taageero kooxda kale , waxaanay warar xogogaali sheegayaan in ay kooxdani u socoto Muqdisho oo ay xisbi samaysan doonto ay kaga qayb gasho doorashooyinka la filaayo in ay ka qabsoomaan sanadka soo socda magaalada Muqdisho . 

Warar kalena waxay sheegayaan in ay kooxdani ku biiri doonto ( M.B.Yoonis iyo Xirsi) xisbiga UCID oo ay gudoomiye Faysal heshiisl wada galeen . Arinkaasuna waa arinkii uu ka qaylinaayay murashaxa xisbiga ucid ee Jamaal Cali Xuseen , oo la filaayo in meesha laga qaado .

Maanta xaalka siyaasadeed ee somaliland waxa uu marayaa halkii uu dalku maraayay 1959 ee mas’uuliyiintii xiligaa joogtay ay u tartamayeen sidii ay xamar ugu kala horayn lahaayeen .

Khilaafaadkan siyaasadeed ee bulshada lagu wareeriyay waxaa u sabab ah , in ay siyaasiyiintii oo dhami coloobeen oo ay doonayaan dhamaantood in ay xamar u kala tartamaan .

waxaynu wada filaynaa in kooxdan la soo maslaxo ama la soo ladqabeeyo oo xukuumadda lagub soo celiyo , si aan arinka xisbiga kulmiye iyo siyaasadoodii u fashilmin 

 Xiagasho-RaasoN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *