Xarunta gaadiidka gurmadka deg degga ah ee oo laga hirgaliyey muqdisho

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa xariga looga jaray xarun ay ka hawlgali doonaan gaadiidka gurmadka deg degga ah ee Aambalaaska iyo damdamisyada munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socday hay’ada qaramada midoobe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee bulshada Muqdisho.

Waxaana xariga looga jaray xarun ay si rasmi ah uga hawlgali doonaan gaadiidka gargaarka deg degga ah ee dadweynaha,waxaana goobta lagu soo bandhigay  5 gaari oo   Aambalaas ah  kuwaas oo loogu tala galay iney gargaar u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho xiliyada ay dhibaatooyinku haleelaan.

Xarunta ay ka hawlgali doonaan gaadiidka gargaarka deg degga ah ayaa waxaa hirgaliyey hay’ada Muslim Hands,waxayna sheegeen masuuliyiinta hay’adaas in 5-ta gaari ee Aambalaaska ah 4 kamid ah loogu tala galay iney ka hawlgalaan gudaha  magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya halka midka  kalane loogu tala galay magaalada Hargeysa ee maamulka Soomaaliland.

Abukar Jannaale oo ah madaxa gaadiidka gurmadka deg degga ah ee Aambalaaska magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in xaruntan cusub ee ay ku hawlgali doonaan gaadiidka gurmadka dadweynaha magaalada Muqdisho  iyo gaadiidka cusub ee lagu soo kordhiyey  kuwii hore uga hawlgali jiray magaalada Caasimada ee Muqdisho ay wax badan ka tareyso baahiyihii ay dadku u qabeen gaadiidka gurmadka deg degga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *